Baghdad (MFA Somlia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiis (15 May) kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad intii uu socday Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Yemen, Mudane Dr. Shaya Mohsin Al Zindani.
Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay xiriirka walaaltinimo ee xooggan iyo taariikh wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, isagoo muujiyay sida dalkiisu u doonayo inuu xoojiyo iskaashiga iyo taageeridda hindisaha wadajirka ah.
Dhankiisa, Wasiir Zindani ayaa ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka dhowaantan loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ku guulaysto, carabaabayna dadaalka Yemen ay ugu jirto qoto-dheeraynta xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinac weliba.

