Baghdad (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad oo lagu wado in maalinta beri oo Sabti ah, 17 May uu ka furmo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Abdoulkader Houssein Omar.
Labada wasiir ayaa kulankooda iskula eegay xiriirka walaaltinimo ee xooggan iyo kan taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay kor-u-qaadista iskaashiga oo dhinacyo badan leh si loo xoojiyo kobaca, deganaanshaha gobolka iyo barwaaqo wadaagga. Intii kulanka lagu jiray waxa ay isku dhaafsadeen aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay danaynayeen.

