Changsha (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulan-ka Isuduwayaasha Wasiirada ee #FOCAC.
Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga dhaqaale, horumarinta ganacsiga, iyo adkeynta wada-shaqeynta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Wasiirradu waxay isku raaceen in xiriirka Soomaaliya iyo Rwanda uu yahay mid istiraatiiji ah, muhiimna u ah horumarka iyo barwaaqada labada dal. Waxay isla qaateen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fog, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.
Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyey doorka ay labada dal ka ciyaari karaan arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo horumarka iyo fursadaha cusub ee ka jira guud ahaan qaaradda Afrika.

