Mogadishu (MFA Somalia) – Agaasimaha cusub ee Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Dr. Maxamed Xuseen Gaas, ayaa maanta si rasmi ah xilka la wareegay kadib magacaabistiisii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xilkaasi u magacaabay Dr. Maxamed Gaas billowgii todobaadkani.

Dr. Maxamed Xuseen Gaas, ayaa xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Waaxdaasi, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.
Agaasimaha cusub ee Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ayaa laga filayaa inuu dardageliyo howlaha waaxda, kana soo dhalaalo mas’uuliyadda loo igmaday.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Hantidhowraha gudaha.

