Mogadishu (MFA Somalia) – Agaasimaha cusub ee Waaxda Xusuus-dhowrka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Dr. Axmed Cusmaan Dhoore, oo shalay oo Isniin ahayd (3 Maarso, 2025) xilka kala wareegay agaasimihii hore ee Waaxdaasi, Danjire Maxamed Ibraahim Cawaale (Jaarles) ayaa maanta si rasmi ah uga shaqa-bilaabay xafiiskiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xilkaasi u magacaabay Dr. Axmed Cusmaan Dhoore billowgii todobaadkani.

Agaasimaha cusub ee Waaxda Xusuus-dhowrka oo fulinaya hannaanka lagu casriyaynayo arkiifiyada Wasaaradda ee uu hindisay Wasiir Axmed Fiqi, ayaa ballan-qaaday inuu uga soo dhalaali doono mas’uuliyadda loo igmaday si daah-furni, aqoon iyo xirfad leh, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la dedejiyo nidaamka casriyaynta iyo nambaraynta dukumintiyada qaran ee ku keydsan Xusuus-dhowrka oo uu sheegay inay tahay dhaxal-ma-guuraan ah oo loo baahanyahay in la tixraaco, loogana faaidaysto sida ugu habboon ee danta sare ee qaranka ay ku jirto, iyadoo la dhowrayo sirta iyo xogta dalka.

Agaasime Axmed Cusmaan Dhoore ayaa sheegay in nidaamka kaydinta dhijitaalka iyo diiwaangelinta casriga ah uu dukumintiga ka dhowrayo duugoobid, fududeyn doonana dib u akhriskiisa iyo maarayntiisa, isaga oo tilmaamay inuu isku howli doono kobcinta awoodda iyo aqoonta howlwadeennada waaxdiisa si ay u maamulaan keydka dhijitaalka si wax ku ool ah oo hufnaan leh.


