Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogga oo kulan lagu xoojinayo wadashaqaynta la yeeshay Guddoomiye kuxigeenka Bankiga IBS

Muqdisho (MFA Soamlia) – Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Dr. Maxamed Xuseen Gaas ayaa maanta kulan is-barasho iyo xoojinta xiriirka wadashaqaynta kula yeeshay Muqdisho Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay xoojinta wadashaqaynta iyo qabsoomida Shirwenaha Caalamiga ee Maalgaashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed.
Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajooga Wasaaradda Dr. Mohamed Hussein Gaas ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu bankiga u haayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qurbajooga Soomaaliyeed, adeegyada wanaagsan uu bixiyo bankiga sida maalgashiga ganacsiyada, talla bixinta maalgashiga dalka, u adeegidda qurbajooga dalka dibadiisa ku nool.

Agaasime Dr. Gaas ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta IBS BANK garab istaaga iyo wadashaqeyta wanaagsan ee kala dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, isaga oo ballanqaaday in Waaxda iyo Bankiga si dhow uwada shaqeyn doonaan, lana xoojin doono xiriirkii wanaagsanaa ee soo jireenka ah.

Dhankiisa, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, ayaa isagana si weyn usoo dhoweeyay Agaasimaha cusub ee Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajooga Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, uguna duceeyay shaqada loo igmaday, isaga oo sheegay in si dhow ula shaqeyn doonaan.