Author: Nune
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labo geesoodka
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi, isaga oo kala hadlay dhinacyada ugu muhiimsan xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Charles King, Kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta. Labada mas’uul ayaa…
-

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray dalka Tanzania
Dar es Salaam (MFA Somalia)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho shaqo ku gaaray dalka Tanzania. Wafdiga oo soo dhowayn diirran kala kulmay mas’uuliyiin ka…
-

Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay 30 muwaadin oo xaalado adag ku haystay dalka Liibiya
Mogadishu (MFA Somalia)- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay. Wasiir kuxigeenka oo hadal ka jeediyay…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya. Kulankaasi ayaa dhacay intii uu socday shirkii 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). labada wasiir waxay si…
-

Soomaaliya oo ka qeybgashay furitaanka Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo maanta ka furmay magaalada Istanbul
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaasoo maanta ka furmay magaalada Istanbul, Turkiga. Shirkan oo socon doona laba maalmood (21–22 Juun 2025) ayaa diiradda saaraya xaaladda cakiran ee u dhaxeysa Israel iyo Iran,…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo lagaga hadlay xiisadda ka dhex-aloolsan Iiraan Iyo Israaiil
Istanbul (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Caawa fiidkii oo Jimce ah kaga qeybgalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta. Fadhigani ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Siihayaha Safiirka Dowladda Liibiya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Soomaaliya, Danjire Nasr Mohamed Assanosi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga laba dal ee walaalaha ah, Soomaaliya…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la qaatay Safiirka Masar ee Soomaaliya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz. Egypty Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Magaalada Changsha kula kulmay Guddoomiyaha CIDCA
Changsha (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maalintii Khamiista (12 June) kula kulmay magaalada Changsha, Guddoomiyaha Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA), Mudane Chen Xiaodong, xilli uu wasiirku ka qeyb galayay shirarka heer-wasiir ee la xiriira fulinta iskaashiga FOCAC. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray…