Category: Wararka Wasaaradda
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha
Changsha (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay maanta Magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane Wang Yi, oo sidoo kale ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha. Kulankan oo dhacay xilli ay…
-

Soomaaliya iyo Rwanda oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirkooda Intii Lagu Guda Jiray Shirka FOCAC
Changsha (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulan-ka Isuduwayaasha Wasiirada ee #FOCAC. Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u…
-

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka intii lagu guda-jiray Shirka FOCAC
Changsha (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd (10 June) waxa uu kulan-doceed miro-dhal ah kula yeeshay Magaalada Changsha ee gobolka Hunan ee dalka Shiinaha oo uu ka socdo Shirka heer Wasiir ee Isku-duwayaasha hirgeliya go’aannada ka soo baxa Madasha Iskaashiga Shiinaha…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay Shirka heer Wasiir ee FOCAC
Changsha (MFA Somalia) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qayb-gashay Shirka heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aannada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Shiinaha. Waxaa Soomaaliya uga qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo hoggaaminayey wafdi heer sare ah. Wasiir Cabdisalaam wuxuu…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee Wax Ka Barta Magaalada Changsha, Shiinaha.
Changsha, Shiinaha (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha, gobolka Hunan ee dalka Shiinaha. Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana uu Wasiirku fursad u…
-

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya iyo Iskaashiga Gobolka
Changsha, Shiinaha – (MFA Somalia) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, Mudane Musalia Mudavadi, xilli uu socday Shirka heer-wasiir ee Isuduweyaasha FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha. Kulankaasi ayaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha xoojinta xiriirka labo geesoodka
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wang Yu. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, dardar-gelinta iskaashiga…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Madaxa Hay’adda ICRC oo booqasho ugu yimid
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand, oo booqasho ugu yimid si uu ugala hadlo arrimaha iskaashi wadaagga. Intii kulanka lagu guda-jiray, Mudane…
-

Soomaaliya oo xustay Maalinta Afrika, xaqiijisayna inay ka go’an tahay midnimada iyo cadaaladda Qaaradda
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta xarunteeda ku qabatay munaasabadda xuska Maalinta Afrika, oo ah xuska markii dhidibada loo taagay Ururka Midnimada Afrika (OAU) 25 May, 1963, iyadoo sanadkii 2002 loo beddelay Midowga Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in 25 May…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta iskaashiga Madaxa Hay’adda Miino baarista Q.M
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya, Mudane Fran O’Grady, oo booqasho sharafeed ugu yimid. Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Fran, isaga oo sheegay in Wasaaraddiisu ay…