Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la kulmay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse

Danjire Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa caawa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Mudane Abshir Cumar Huruuse.

Labada mas’uul ayaa wadahadallo miro-dhal ah ka yeeshay horumarinta dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah. Waxay kaloo mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay joogtaynta iyo wada shaqaynta ku aaddan siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.