Muqdisho, (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah maanta oo Sabti ah ugala wareegay xilka Wasaaradda, Siihayihii hore ee Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, kadib munaasabad lagu qabtay dhismaha Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho.

Xafladda xil wareejinta waxaa goob-joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wakiil ka socday Xafiiska Hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii xafladda lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi waxa uu carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay u adeegidda Soomaaliya iyo horumarinta himilooyinka siyaasadda dibadda. Waxa uu ballanqaaday in mudnaanta koowaad uu siin doono danaha qaranka, isaga oo adeegsan doona hannaan istaraatiijiyadeed oo ku qotanta xiriirka caalamiga oo la jaan-qaadaya ujeeddooyinka dalka.

Xil la wareegidda Wasiir Fiqi waxa ay ka dhigan tahay bog cusub oo u furmay geedi socodka diblomaasiyadda Soomaaliya, oo lagu xoojinayo wax wadaagga caalamiga, korna loogu qaadayo sumcadda dalka ee caalamka, iyada oo la sare marinayo nabadda iyo horumarka.

