Danjire Ilyas Ali Hasan oo waraaqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Tanzaniya.
Dares Salaam, Tanzania, Noofambar 26, 2024
Danjire Ilyas Ali Hasan ayaa maanta si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania, H.E. Drs Samia Suluxu Hassan.
Danjire Ilyaas oo ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.
Danjiraha ayaa sidoo kale Ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay Somaaliya u leedahay xoojinta xiriirka Tanzaaniya oo ah waddan kaalin mug leh ku leh iskaashiga gobolka, isla markaana ah xarunta guud ee bulshada Bariga Afrika.
Danjire Ilyas ayaa waxa uu xaqiijiyey inay Soomaaliya ka go’an tahay kobcinta xidhiidh qoto-dheer iyo wada-shaqayn dhex-marta labada waddan.

