Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan, Mudane Axmed Suudaani, ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyey dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. Dhalinyaradan oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood) ayaa lagu qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.
Sii deyntooda ayaa waxaa suurto-galiyay Hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan. Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan waxay ka mahadcelinaysaa dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyagoo sii wadi doona dadaalkooda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira.




