Madaxda Sare ee Wasaaradda Ayaa Qado Sharaf Dhiirrigelin ah U Sameeyay Shaqaalaha Waaxda Howlaha Guud iyo Kormeerka.
Mogadishu, 18 Nofeembar 2024
Madaxda sare ee Wasaaradda ayaa maanta qado sharaf lagu maamuusay shaqaalaha Waaxda Howlaha Guud iyo Kormeerka, iyaga oo ka duulaya dar-dargelinta shaqada, islamarkaana dhiirrigelinaya shaqaalaha Wasaaradda.
Munaasabaddan qado sharafta ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xil. Isak Mursal(Isak Fanax), Danjirayaal iyo diblomaasiyiin. Wasiirka ayaa shaqaalaha Waaxda ku dhiirrigeliyay inay dadaalaan oo ay sii labanlaabaan shaqada quruxda badan ee ay Wasaaradda u hayaan, markastana uga mahadceliyay dhabar-adaygii iyo kartidii ay muujiyeen shaqaalaha Waaxda.
Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda ayaa u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan shaqaalaha Waaxda Howlaha Guud iyo Kormeerka oo udub dhexaad u ah shaqada Wasaaradda. Wasiirku wuxuu xusay in ay ku ammaanan yihiin, islamarkaana ay mudan yihiin bogaadin iyo dhiirrigelin joogto ah, si loo garab istaago Waaxda Howlaha Guud iyo Kormeerka.
Ugu dambayntii, qaar kamid ah shaqaalaha Waaxda ayaa uga mahadceliyay madaxda sare ee Wasaaradda, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, kawarqabka iyo dhiirrigelinta joogtada ah ee madaxda sare ay marwalba muujiyaan. Waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen Wasiirka oo si weyn isugu howla inuu dhiirrigeliyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda.


