Annaga oo ah Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Carabta Masar iyo
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kulan ku yeellanay caasimadda
dalka Eritrea ee Asmara, Oktoobar 10, 2024, ka dib markii casuumaad heerkeedu
sareeyo ay naga soo gaartay Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Dalka
Eritrea, waxaana ku heshiinney qodobada soo socda:
1. Adkeynta Taageeridda midnimada, madax-bannaanida, wadajirka
dhuleed, iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo
diidmada tallaabooyinka halista gelinaya midnimada iyo madax-
bannaanida Qaranka Soomaaliyeed.
2. Horumarinta iyo xoojinta iskaashiga iyo isku-xirka saddexda dal si kor loogu
qaado tayada hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan
caqabadaha gudaha iyo dibaddaba, iyo dhismaha ciidamada qaranka
Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan la dagaalanka argagixisada,
ilaalinta xuduudaha dhulkooda, bad iyo berriba, iyo sidoo kale ilaalinta
wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
3. Soo dhaweynta go’aanka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2714
(2023) ee cunaqabataynta hubka ee saarneyd looga qaaday
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo bogaadinta dadaallada
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr.
Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo kor loogu qaaday awoodaha iyo
horumarinta kartida CXDS si ay u fidiso maamulka dowladda ee dhammaan
dhulkeeda iyo ilaalinta kheyraadka dalka.4. Bogaadinta Baaqa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika
(kulan No. 1225) ee ku saabsanaa hawlgalka cusub ee Midowga Afrika,
AUSSOM, kaas oo taageeri doona xasilloonida Soomaaliya, isagoo ku
qotoma aragtida iyo mudnaanta Soomaaliya. Waxaa la soo dhoweynayaa
sidoo kale soo jeedinta Jamhuuriyadda Masar ee ka qeybgalka ciidanka
AUSSOM.
5. Garab istaagga baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan
dhammaystirka maalgelinta ciidamada AUSSOM, iyo xaqiijinta in
taageerada caalamka ay tahay muhiim si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo
xasiloonida Soomaaliya, taas oo muhiim u ah amniga gobolka iyo caalamka.
6. Ballanqaadka in la siiyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taageero
buuxda inta lagu jiro mudada ay xubinta aan joogtada ahayn ka tahay
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025-2026), maadaama ay
matalayaan danaha Afrika.
7. Xoojinta iyo joogteynta wada-tashiga iyo isku-xirnaanta laba geesoodka ah,
iyadoo laga wada-tashanayo arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee
labada dal wada taabanaya.
–DHAMAAD–



