Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Qunsulka Guud ee J.F.S ee Jeddah oo Nuqul kamid ah aqoosigiisa U gudbiyay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Gobolka Makka Al-Mukarrama

Danjire Dr. Cabdiwali Xirsi Cabdille, Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee Jeddah, ayaa si rasmi ah Nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga uga gudbiyay Mudane Farid Bin Said, Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Gobolka Makka Al-Mukarrama.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta xiriirka ganacsi iyo sidii loo xoojin lahaa xiriir bulsho oo dhexmara labada Dal ee walaalaha ah.

Tallaabadan muhiimka ah ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga Diblomaasiyadeed iyo ballaarinta wada-shaqeynta Ballaaran ee ka dhaxaysa labada Dal.