Moscow (MFA Somalia) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ruushka, Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd (23 January), nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ahna Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe, Mudane Mikhail Bogdanov.
Safiirka ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee loo soo dhoweeyay, isaga oo carabaabay inuu ka shaqayn doono xoojinta xiriirka labo dhinaclaha ah ee labada dal u dhexeeya iyo ballaarinta iskaashiga.

