Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Caasimadda Dalkaasi.
Dareesalaam, Tanzania – 19-ka Nofeembar 2024.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Tanzania Mudane Ilyas Ali Hassan Ilyas Ali Hassan, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Caasimada Dalkaasi.
Masuuliyiin kasocta Wasaarada Arimaha Dibadda ee Tanzania, qaar kamid ah Safiirada dalkaasi iyo xubna kasocda Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa kamid ahaa dadkii kaqeyb galey soo dhoweyntiisa.
Safiirka ayaa si aad ah uga mahadceliyey soo dhoweyntii diirneyd ee loo sameeyey.


