Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Soomaaliya iyo Panama oo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya

New York (MFA Somlia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay New York, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Panama, Carlos Ruiz-Hernández, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta dhinacyada iskaashi ee kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Kulanka ayaa ahaa fursad dib loogu eegayay xiriirka jira iyo in la ogaado siyaabaha cusub ee iskaashi.