Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka 34-aad ee Carabta oo ka furmaya Baqdaad

Baghdad (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kaga qeybgalay Magaalada Baghdad Shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayay Shir-madaxeedka 34aad ee Carabta, waxaana shir-guddoomiyay Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Mudane Fuad Hussein, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit.

Kadib furitaanka shirka, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay yeesheen kulan albaabadu u xiranyihiin oo ay dib ugu eegeen, kuna go’aamiyeen ajandaha shir-madaxeedka iyo go’aannada qabyada ah oo loo gudbin doono madaxda carbeed si ay uga baaraan-degaan, uguna meel-mariyaan shir-madaxeedkooda furmaya 17 May.Ajandaha shirka ayaa waxaa ka mid ah sideed qodob oo muhiim ah oo diiradda saaraya xoojinta tallaabo-qaadka carbeed ee wadajirka ah oo ay ugu horrayso arrinta Falastiin, amniga qaranka carbeed, iyo dadaallada la dagaalanka argagixisada.