Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta soo xeray tababar loo qabtay 35 shaqaale oo ka tirsan Waaxda Howlaha Guud iyo Kormeerka. Tababarka, oo socday muddo bil iyo bar ah, ayaa lagu horumarinayay xirfadaha shaqaalaha iyo tayeynta adeegyada Wasaaradda.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadda **Deegaan-Dhowr** kaalinta ay ka qaadatay tababaridda shaqaalaha iyo bilicda Wasaaradda. Sidoo kale, Wasiirka ayaa u mahadceliyay shaqaalaha Waaxda iyo Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta, ahna sii hayaha Waaxda Howlaha Guud iyo Kormeerka, Mudane Ibraahim Gure Maxamed, dadaalka ay geliyeen dib u soo celinta bilicda Wasaaradda.
Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay shaqaalaha inay sii wadaan dadaalkooda, isagoo ballan qaaday in waxqabadkooda si dhow loola socon doono, si loo xaqiijiyo horumar ku saleysan karti iyo dadaal. Ugu dambayn, Wasiirka ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay shaqaalaha iyo shirkadda Deegaan-Dhowr, isagoo si rasmi ah u soo xeray tababarka. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay madax sare, agaasimayaal, diblomaasiyiin, iyo shaqaale kale oo Wasaaradda ka tirsan.














