Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiiru dowlaha Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Maxamed Cali Xaamud oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ka soo kala qabtay dowladihii milatariga iyo kuwii ku-meel-gaarka ayaa maanta oo Talaado ah , 9 bisha July, 2024 ku geeriyooday Magaalada Melbourne ee dalka Australia, waxaanu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe uu la dhibbanaa.
Marxuum Mohamed Ali Hamud ayaa muddo 39 sano u adeegayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Marxuum Maxamed Cali Xaamud oo heerkiisu aqoonta gaarsiisnayd heerka labaad ee Jaamacadda “Master degree” oo uu ku takhasusay Maamulka Ganacsiga (MBA) ee Jaamacadda Griffith (Griffith University), ee ku taalla Brisbane, Queensland ee dalka Australia ayaa heerka koowaad (Bachelor degree) oo ah Sharciga ka qaatay Jaamacadda Ceynu Shamsi (Ain Shams University) ee Magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa xilkii ugu horreeyay ee uu qabtay ay ahayd Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir sanadkii 1972.
Waxaa xigay in loo magacaabay oo uu qabtay xilalka kala ah:
– Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer.
– Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sanadkii 1980 wuxuu noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Dowladdii Milatariga ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.
Sanadkii 1981 waxaa loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
Sanadkii 1987-1988 waxa uu ahaa Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda.
Sanadkii 1991 Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Cali Mahdi Maxamed.
Kadib qaran-burburkii dalka waxa uu ka shaqeeyay howlo dib u heshiisiin si qaranka Soomaaliyeed dib cagahiisa iskugu taago.
Sanadkii 2000 waxa uu ka mid noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii Dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Cabdulqaasim Salaad Xasan.
Bishii January, sanadkii 2008 waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Dowladdii Federaalka KMG ee uu hoggaaminayay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Billowgii sanadkii 2011 waxaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladdii Federaalka KMG ee uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed.
Marxuum Maxamed Cali Xaamud oo ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool 13 April, 1940 ayaa ahaa nin dowladeed oo dalkiisa iyo dadkiisa u adeegay.
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

