WAD & IC oo Xustay Sannad-guuradii 25-aad ee EAC.
Muqdisho, Somalia | November 29, 2024
Xogahayaha Joogtada wasaaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadow oo ay weheliyaan Agaasimaha Isdhexgalka Dhaqaalaha EAC ee Wasaaradda Mudane Axmed Warsame & Agaasimaha Qurbajoogta iyo Howlaha guud Mudane Ibraahim Guure iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa Ka qeybgalay Ollalaha Cagaareynta wasaaradda oo qeyb ka ah dabaaldega Munaasabadda sanadguurada 25-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Hindisahani waxa uu ka tarjumayaa sida ay Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Deegaanka iyo iskaashiga Dalalka Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.


