Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

WAD & IC Xustay Sannad-guuradii 25-aad ee EAC .

Muqdisho, Somalia | November 29, 2024
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadow oo ay wehliyaan Agaasimaha Isdhexgalka Dhaqaalaha EAC ee Wasaaradda Mudane Axmed Warsame & Agaasimaha Qurbajoogta iyo Howlaha guud Mudane Ibraahim Guure, iyo qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda ayaa Ka qeybgalay Ollalaha dhiig bixinta oo qeyb ka ah munaasabadda xuska sanadguurada 25-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.
Xoghayaha Joogtada ah Mudane Xamse Xaadow oo ayaa uga mahad celiyay dhamaan kasoo qeyb galayasha dhiig bixinta, waxaa sidoo kale kaalin mug leh ka qaatay taaba gelinta munaasabadda saraakiil katirsan wasaaradda Caafimaadka JFS.