Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Shir Madaxeedka Saddex-geesoodka ah

  1. Ayadoo laga duulayo martiqaadka uu fidiyey Madaxweynaha dalka Ereteriya, Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Abdel Fattah El-Sisi, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Oktoobar 2024, magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya, kulan uu ku dhexmaray madaxweynayaasha saddexda dal. Shir madaxeedkoodii saddex geesoodka ah ayaa halkaas lagu qabtay, iyaga oo yeeshay wadatashiyo ballaaran oo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

  1. Madaxda saddexda dal waxay hoosta ka xariiqeen in ay lagama maarmaan tahay u hoggaansamidda mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah, maadaama ay saldhig adag u yihiin xasilloonida iyo iskaashiga gobolka. Gaar ahaan, waxay adkeeyeen muhiimadda ixtiraamidda madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, lagana hortago marmarsiiyo kasta oo lagu bannaysanayo faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo abuurista jawi ku habboon horumar loo dhan yahay oo waara.

  1. Horumarinta iyo xoojinta iskaashiga iyo isku xirka saddexda dal waxaa lagu higsanayaa in sare loo qaado tayada hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, si ay uga hortagaan caqabadaha kala duwan ee gudaha iyo dibadda. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la gaarsiiyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed awood ku filan si ay si wax ku ool ah ula dagaallamaan argagixisada, nooc kasta oo ay tahay. Taasi waxa ay sidoo kale ku jirtaa ilaalinta xuduudaha dhulkooda, badda iyo berriga, iyo daryeelka wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  1. Dhanka kale, shir madaxeedka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey qodobbo muhiim ah, iyadoo is afgarad laga gaaray arrimaha soo socda:

  • Dhibaatada ka taagan Suudaan iyo saamaynta ay ku leedahay gobolka.
  • Xaaladda Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo is-bedellada ugu dambeeyay ee gobolka.
  • Arrimaha amniga iyo iskaashiga waddamada xeebaha leh ee ku yaalla Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda weyn ee marin-biyoodkaas uu leeyahay.
  • Hanaanka isku-xirnaanta diblomaasiyadeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya saddexda dal.

  1. Madaxweynayaashu waxay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladaha Ereteriya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ee ku aaddan taageeridda xasilloonida Soomaaliya iyo xoojinta awoodda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Si gaar ah, waxaa loo bogaadiyey soo-jeedinta Jamhuuriyadda Carabta ee Masar oo ku saabsan in ciidamadeedu ka qaybqaataan dadaallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

  1. Madaxda waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi saddex-geesood ah oo isku dhafan, kaas oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya, Masar, iyo Soomaaliya, si ay u hoggaamiyaan iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

 

                                                                   –Dhammaad–