Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Casho sharaf ku Maamuustay Xubnihii kaqeyb qaatay Soodhaweynta Wafdiga Tansaaniya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku maamuustay casho-sharaf mahadcelin ah oo Teamkii ka qeyb qaatay Soodhaweynta Wafdi heer sare ah oo ka socday Dawladda Tansaaniya, Wafdiga oo qeyb ka ahaa heshiiskii saddexda maalmood socday ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Tanzania.

Casho sharaftan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Cali Cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Mudane Xamse Xaadow, iyo Agaasimaha Warbaahinta Mudane Maxamed Maxamuud.

Munaasabadan ayaa waxaa isugu yimid saxafiyiin ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee Warbaahinta Dalka, kuwaas oo dadaal ku bixiyay isku dubaridka aan kala go’a lahayn, tabinta wararka ee guusha la laga gaaray dhacdadan taariikhiga ah.