Muqdisho (diplomat.so) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kaga qeybgalay Muqdisho gogosha tacsida marxuum Ugaas Cabdidaahir Ugaas Nuur oo aroornimadii Talaado, 21 January, 2025 ku geeriyooday Caasimadda Muqdisho.
Wasiirka ayaa uga tacsiyadeeyay ehellada, asxaabta, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid ugaaska, isaga oo ku tilmaamay Ugaas Cabdidaahir nin kaalin xooggan ka qaatay dowlad-dhiska , nabaddeynta, dib u heshiisiinta, isku xirka dadka iyo samafalka, waxa uu Allah uga baryay inuu hoygiisa ka dhigo jannada.

