Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah shir-guddoomiyay wadatashi heer Wasiir oo lagaga hadlayay ajandayaasha qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la hortagi doonto Madasha sagaalaad ee Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu wado in lagu qabto Magaalada Beijing inta u dhexeysa 4-6 September.

Wasiirrada ayaa intii kulanka ay ku guda-jireen kaga doodeen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, maalgeshiga, waxbarashada sare, teknoolojiyadda, tamarta , biyaha, beeraha, ganacsiga iyo kaluumaysiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay diiradda saaraysaa sidii ay mashruuc maalgelin ugu heli lahayd biyo caafimaad-san loogu gelin doono guryaha caasimadda Muqdisho si dadku uga faaidaystaan adeeggaasi biyaha nadiifka ah, taasoo muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta xaaladaha nololeed ee dadka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cabdillaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadadaha, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiiru dowlaha Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustaf Guudow, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf, Agaasimayaal guud iyo tiro agaasime waaxeedyo ah.

