Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiir Fiqi oo xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ku wareejiyay Wasiir Cali Yuusuf

Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah xilkii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaraddaasi ay ku leedahay Caasimadda Muqdisho oo uu goob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac.


Danjire Fiqi ayaa sheegay in muddadii xilka Wasaaraddaasi uu hayay uu casriyeeyay hab isgaarsiinta gudaha Wasaaradda oo uu ka dhigay mid (degital) ah oo nambaraysan oo tixraac leh, sidoo kalena uu xoojiyay wadashaqaynta kala dhexeysay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka .

Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo hufnaanta, lagana shaqeeyo dowlad wanaagga si loo taageero dadaallada dowlad dhiska, isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu ku guulaysto howsha loo igmaday, xusuusiyayna adkaynta iyo dhowridda midnimada iyo madax banaanida dalka.


Hadal jeedintiisa, Wasiir Axmed Fiqi, waxa uu carabka ku adkeeyay in sida uu qabo dastuurka, uma bannaana gobol ka mid ah dalka inuu wadaxaajood dibadeed la galo dal shisheeye, waxa ay taasi wax u dhimaysaa madax bannaanida qaranka, isaga oo carabaabay kalsoonida uu ku qabo Wasiir Cali Yuusuf inuu hagaajin doono xiriirka, si gaar ah dowlad goboleedka Puntland.


Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in ay ka go’antahay in xal nabadeed oo waafaqsan go’aannada dowladda ee ah xal , ee aan ahayn xabbad uu yahay hiigsigiisu. isagoo xusay in arrnka la xiriira Puntland lagu xalin doono miis wadahadal oo Soomaali ay leedahay.


Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay rajada uu ka qabo, hiigsiga iyo himilada sare ee uu ugu heellanyahay in guul uu u keeno dalkiisa, isagoo caddeeyay in Soomaalidu aanay is hurayn, kalana maarmi karin, qof welibana loo baahanyahay inuu wax ku doono si Soomaalinimo oo han iyo sharaf leh.