Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Moallim Fiqi oo Kulan kula Qaatay Xarunta Wasaaradda Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi (Diano).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Moallim Fiqi oo Kulan kula Qaatay Xarunta Wasaaradda Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi (Diano).
Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi (Diano), halkaas oo ay kaga wada hadleen istaraatijiyad lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan amniga qaranka, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo ilaalinta badbaadada muwaadiniinta.
Kulankani wuxuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada lagu taageerayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee doorka muhiimka ah ka qaata amniga qaranka. Labada hoggaamiye ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in la dhiso Soomaali midaysan oo xasilloon, iyaga oo dhiirrigelinaya wadajir iyo horumar dalka oo dhan ah.