Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Miudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Yalchin Rafiyev, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashi wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa la iskula eegay qoto-dheeraynta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka, iyadoo diiradda la saarrayo dhinacyada nacfi is-dhaafsiga iyo ka go’naanshaha barwaaqo wadaagga labada dal.

