Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay howlwadeennada Wasaaradda ee Waxbarashadoodu gaarsiisan tahay heerka labaad

Muqdisho (MFA Somalia) — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah kulan gaar ah la qaatay howlwadeennada Wasaaradda ee heerkooda Waxabarashada gaarsiisan tahay heerka labaad ee Jaamacadda.


Wasiir Fiqi, ayaa sheegay kulankan iyo dadaallada socda ee dib u habeynta iyo horumarinta howlaha Shaqo ee Wasaaradda , in lagu gaarayo natiijo ah ‘Wasaarad ay aqoontu hoggaamiso’,isagoo markaa caddeeyay in dhammaan howlwadeennada iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda ay heli doonaan qaab-dhismeed shaqo, si sare loogu qaado howlaha shaqo ee Wasaaradda.


Kulankan ayaa daba socda kulamo uu Wasiirku la qaadanayay saraakiisha kala duwan ee Wasaaradda, toddobaadyadii ugu dambeeyay , si loo gaaro hiisgiga isbeddel ee wax ka taraya horumarinta iyo tayada waxqabad.