Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka “ma degane” Ruushka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mikhail Golovanov, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo khuseeya amniga, bulshada iyo bani’aadantinimada.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray, waxa uu Wasiir Fiqi guddoomay casuumaadda rasmiga ah ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado inay ku qabsoonto magaalada Sochi 11-12 November.

