Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan

Muqdisho (MFA Somalia)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Caasimadda Muqdisho wafdiga Azerbaijan ee booqashada ku jooga dalka oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Yalchin Rafiyev, tani oo caddayn u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee kobaca samaynaya ee u dhexeeya labada dal.


Booqashada wafdiga Azerbaijan ayaa astaan u ah xiriirka horu-socodka leh ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo ka marqaati ah ka go’naanshaha Soomaaliya iyo Azerbaijan taabagelinta iyo qoto-dheereynta iskaashi wadaag dhinac weliba leh.