Nairobi – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo ka wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kaga qeybgalay maanta oo Khamiis ah Magaalada Nairobi, shir madaxeedka Afrika ee bacriminta iyo caafimad-qabka ciidda, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga ciidda ku habboon beerashada si loo gaaro isku-filnaansho dhanka cunnada ah, loona yareeyo xaaladaha bani’aadantinimo.

Shir madaxeedka ku qabsoomay Nairobi ayaa diirrada lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta dhinaca beeraha Afrika, si loo hiigsado kobac dhaqaale, loona xaqiijiyo sugnaanshaha cunto ee qaaradda.

Shir madaxeedka, ayaa hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dowladaha Afrika waxa ay kaga doodeen xal u helidda caqabadaha beeraha si loo qaabeeyo tub loo maro horumar waara, lagana gudbo caqabadaha qarsoon ee beeralaydu wajahaan, iyadoo la xoojinayo adkaysiga, korna loo qaadayo barwaaqada bulshooyinka Afrika, waxaana shir madaxeedka ugu dambayntii laga soo saaray baaqa Nairobi

