Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Madaxa Guddiga Caalamiga ee Laan-qayrta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo dardargelinta dadaallada iskaashi iyo hindasayaasha bani’aadantinimo ee muhiimka ah si wax looga qabto xaaladaha jira.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa caddeeyay muhiimadda iskaashiga dalku la leeyahay ICRC si loo taageero bulshooyinka nugul, loona wanaajiyo hab-bixinta gargaarka bani’aadantinimo.

