Cairo, – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, iyo caafimaadka, waxaa kale oo la iskula eegay furidda khad duulimaad toos ah oo labada dal dhexmara bisha Luulyo ee soo aaddan iyo in Soomaaliya laga furo laanta Bankiga Masar, waxaa intaasi sii dheer in lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Soomaaliya ayaa la leh Masar xiriiri iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah.

