Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Muritaaniya xoojinta xiriirka labo geesoodka

Banjul – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Khamiista kulan doceed la yeeshay intii lagu guda-jiray kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ugu gogol-xaarayeen Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka ee ay martigelinayso Caasimadda Gambia ee Banjul, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, iskaashiga iyo Qurbo-joogta Muritaaniya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Muritaaniya, Dr. Mohamed Salem Ould Merzoug, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.


Kulanka ayaa la isku eegay qoto-dheeraynta iskaashiga labo geesoodka si loo gaaro barwaaqo wadaag, iyadoo taasi uu barbar-socday ka hadalka xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ah ee muhiimadda u leh labada dhinac.


Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah wafdiga ka socday dhanka Soomaaliya oo uu ku jiro Dr. Cabdulqaadir Macallin Nuur (Khaliif), Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka, Xildhibaan Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadam oo ah musharraxa Soomaaliya ee xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaa dhanka Muritaaniya ka socday Safiirka u xilsaarran howsha diiwaanka Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Muritaaniya, Hosni Al-Faqih iyo Agaasimaha Arrimaha Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Muritaaniya, Sayed Ahmed Mohamed Al-Salik.