Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Muritaaniya kahor shir-madaxeedka Carbeed ee beri ka furmaya Bagdaad

Baghdad (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kulan-doceed kula yeeshay Magaalada Bagdaad oo lagu wado in maalinta beri oo Sabti ah, 17 May uu ka furmo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Muritaaniya, Mudane Dr. Mohamed Salem Ould Merzoug.

Wasiir Mohamed Merzoug ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya xilka loo magacaabay dhowaantan, isaga oo u rajeeyay inuu ku guulaysto howsha loo igmaday, caddeeyayna in Muritaaniya ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.Labada wasiir ayaa intii lagu guda-jiray kulanka waxa ay kaga hadleen xoojinta iskaashiga labo geesoodka, horumarinta dano wadaagga iyo qoto-dheerayntiisa dhan kastaba, iyadoo la soo banbixinayo aragtiyo cusub oo iskaashi oo faaido u ah labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay danaynayaan.