Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan

Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah, xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Suudaan, Mudane Abdurahman Khalil Ahmed Abakr.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa u rajeeyay Danjire Abdurahman Abakr inuu guulo ka gaaro howlaha loo igmaday, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee kala dhexeeya Suudaan, isaga oo bogaadiyay guulaha ballaaran ee Ciidamada Qalabka sida ee Suudaan ay soo hoyeen, xusayna muhiimadda ay leedahay Suudaan midaysa, xasilloon oo nabad ah.

Kulanka ayaa la iskula soo hadal-qaaday yididdiillada wadaagga ah ee labada dal ee sare-u-qaadidda iskaashiga iyo dano-wadaagga.