Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdulrahman Khalil Ahmed Abakr Afandi, oo booqasho sharafeed ugu yimid, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee dano-wadaagga leh.
Labada dhinac ayaa kulankooda ku fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha Suudaan, iyaga oo xusay muhiimadda weyn ee ay leedahay xasiloonida iyo baahida loo qabo taageero joogta ah oo heer gobol iyo mid caalami ah si kor loogu qaado nabadda iyo amniga gobolka.

