Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Ka Qaybgalay Bandhigga Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP)
Muqdisho, Soomaaliya | Nofeembar 13, 2024
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay bandhigga rasmiga ah ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029). Munaasabaddan oo lagu qabtay Hoolka Hangarka Afisyoone ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa lagu soo bandhigay guulaha Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee socda.

Munaasabaddan waxa kasoo qaybgalay wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin sar-sare oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa in ay si wadajir ah mas’uuliyiintu uga go’an tahay horumarinta dalka iyo qorshaynta isbeddelka qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay u heellan tahay taageeridda hindisayaasha xoojinaya maamulka dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo sumcadda caalamiga ah. Qorshaha Isbeddelka Qaranka waa tiir muhiim ah oo ka mid ah safarka Soomaaliya ee ku wajahan horumar waara, awoodsiinta dhaqaalaha, iyo faan qaran, iyadoo la jaanqaadaysa hindisayaal muhiim ah oo kor u qaadaya daryeelka muwaadiniinta, xoojinta maamul wanaagga, iyo abuurista midnimo iyo adkeysi heer gobol iyo heer caalami ah.


