Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya

Muqdishu (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya.


Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Jamhuuriya tababarka la xiriira xirfadda culuumta kombiyuutarka oo ay jaamacaddu taabbagelisay, ka faa’iideysteenna qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Ujeedka tababarka ayaa ahaa in sare loo qaado tayada iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
Kulanka waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxaha Wasaaradda, iyagoo dhankooda soo dhoweeyay in la tayeeyo xirfadaha kala duwan ee shaqaalaha Wasaaradda