Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Ku soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde, Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Xog-hayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda sare Dalka.

Ujeedka safarka ee Dr. Workneh Gebeyahu Xog-hayaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxa uu daarran yahay xoojinta labada dhimac, Amaanka Gobolka, iyo isbedalka Cimillada.

