Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan kula yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha, xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Safiirka ayaa ugu horrayn ugu hambalyeeyay Wasiirka dadaalkiisa ku aaddan difaaca madaxbannaanida Soomaaliya wuxuuna sheegay in Shiinuhu uu garab taagan yahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

 

 

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in maanta ay tahay sannad guuradii 10-aad ee furitaanka safaaradda Shiinaha, wuxuuna ugu hambalyeeyay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka hadlay guusha Shirka FOCAC ee labada dal, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.