Muqdisho (MFA Somalia) –
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Doorashada Guddiga Goob Shaqo ee ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Doorashadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa gacan ka geystay xubno ka socda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka iyo Agaasinka Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda. Shirkan ayaa lagu soo gabagabeeyay jawi degan oo guul ah, iyadoo Guddoomiyaha cusub loo doortay Mudane Maxamed Sheikh Shuceyb Cabdullaahi, halka Guddoomiye ku xigeen ay noqotay Marwo Sahra Yuusuf Cali.

Wasiir Fiqi ayaa amaanay hannaanka loo maray doorashada, isagoo bogaadiyay shaqada wanaagsan ee guddiga qabanqaabada doorashada. Wuxuu sidoo kale hambalyo u diray xubnaha cusub ee la doortay, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan oo mas’uuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay agaasimayaal ka socday waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha

