Muqdidsho (MFA Somalia) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay maanta wafdi rasmi ah oo ka socda Dowladda Azerbaijan oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Yalchin Rafiyev.
Wafdiga Azerbaijan inta ay dalka joogaan, waxaa qaabili doona Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, si loo soo banbixiyo fursadaha lagu xoojin karo xiriirka labo dhinaclaha, korna loogu qaadi karo iskaashi dhinacyo badan leh oo ka tarjumaya dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

