Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah

Xoghayaha joogtada WAD& IC ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi,

Xoghayaha joogtada WAD& IC ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi, Safiirka Algeria ee Midowga Afrika iyo Itoobiya. Intii uu socday booqasho sharafeedkeeda, waxay labada dhinac ka wada hadaleen xoojinta xiriirka labada Dal , iyo taageerada musharaxnimadeeda Kuxigeenka Midowga Afrika.
Soomaaliya, waxaa mar walba ka go’an in ay xoojiso iskaashiga istiraatijiyadeed ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada qaaradeenna Africa.