Author: mfa
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Riyaadh isaga oo la kulmay Amiir Faysal bin Farxaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Riyaadh, 27 Oktoobar 2024. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Riyaadh isaga oo la kulmay Amiir Faysal bin Farxaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Kulankan ayaa lagu adkeeyey iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo xiriirka qotada dheer ee Sacuudiga iyo Soomaaliya. Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa…
-

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa Hoggaamiyay Shir ku Saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP)
Muqdisho, 26 Oktoobar 2024 – Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (NTP 2025-2029). Kulanka waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah Mudane Hamza Aadan Haadow iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda, iyagoo diiradda saaray arrimaha mudnaanta leh ee diblomaasiyadda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga…
-

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo ka mid ah Wasiirrada kasoo qaybgalay Munaasabadda Nidaamka Dhijitaalka ee Dad-dhigidda Mideysan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo ka mid ah Wasiirrada kasoo qaybgalay Munaasabadda Nidaamka Dhijitaalka ee Dad-dhigidda Mideysan.
-

WAD, Danjire Axmed Macallim Fiqi, iyo Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhaweeyay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda, Marwo Rosemary A. DiCarlo
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, iyo Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhaweeyay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda, Marwo Rosemary A. DiCarlo, oo booqasho ku timid Soomaaliya. Muqdisho, 17 Oktoobar 2024 Wasiir Fiqi ayaa Marwo DiCarlo uga warbixiyay horumarka dhawaan…
-

WAD Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeybgalay daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaran ee (NTP) 2025-2029
WAD Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qeybgalay daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaran ee (NTP) 2025-2029 oo uu hogaaminayay Madaxweynha JFS, Dr. Hassan Sheikh Mohamud. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare H.E. Hamza Abdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka H.E. Salah Ahmed Jama, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada. Dhacdadan muhiimka ah waxay isku keentay madaxda…
-

WAD, Danjire Ahmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Aqalka Sare,
WAD, Danjire Ahmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Aqalka Sare, oo ay guddoominaysay Senator Maryan Farah Kahiye. Wasiirka ayaa ku adkeystay mabda’a hufnaanta iyo isla xisaabtanka ee Wasaaradda, isagoo xoogga saaraya arrimaha muhiimka ah sida wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, heshiisyada caalamiga ah, xiriirka iskaashiga caalamiga ah, dhaqangelinta shuruucda shaqada dibedda,…
-

War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Shir Madaxeedka Saddex-geesoodka ah
Ayadoo laga duulayo martiqaadka uu fidiyey Madaxweynaha dalka Ereteriya, Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Abdel Fattah El-Sisi, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Oktoobar 2024, magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya, kulan uu ku dhexmaray madaxweynayaasha saddexda dal. Shir madaxeedkoodii…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Fiqi ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo u mahadceliyay hoggaanka Switzerland ammaanna u jeediyay Danjire Sania Strasi doorkii ay ka qaadatay doodihii hore. Wuxuu sidoo kale xusay wadatashiyada qaran ee ka socda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ujeedkoodu yahay horumarinta maamulka…