Category: Soomaaliya
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalay munaasabad uu kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Qaahira ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada…
-

Kalluumaysato Soomaaliyeed oo dib ula midoobay caa’iladooda mudo dheer kadib
Kadib 25 maalmood oo ay dooni yar kula jabtay Badweynta Hindiya, waxaa ugu dambayntii dalka dib ugu soo laabtay laba kaluumaysato Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamuud Cali iyo Sharmaake Nuur Cabdi Aadan, iyagoo qoysaskooda kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Soo laabashadooda waxaa suuragaliyey marka koowaad Ilaahay iyo dadaalka hagar la’aanta ah…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo Wadahadallo la yeeshay Wafdiga Hindiya ee ku saabsan Xarunta Fududeynta Fiisaha ee Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan kulan la qaatay wafdi ka socday Safaaradda Hindiya ee Nairobi si ay u xoojiyaan wadaxaajoodyada ku saabsan dhisidda xarunta fududeynta fiisaha oo laga hirgelinayo Muqdisho. Kulankan waxa uu daba socday shirar hore oo lagu dhameystirayay heshiiska u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya. Wadahadallada,…
-

Soomaaliya oo Si Rasmi ah Ugu Fariisatay Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay maanta, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u ahayd bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaasi.Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire…
-

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Xirmo Buugaag ah Ku Wareejiyey Maktabadda Machadka Diblomaasiyadda
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa maanta ku wareejiyey maktabadda Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda xirmo buugaag ah oo uu maktabadda soo gaarsiiyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Amb. Daahir Xasan Carab. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Danjire Daahir Carab hadiyaddan qiimaha badan, isagoo ku tilmaamay mid wax weyn ku…
-

Shirkii 4-aad ee Soo-Noqdayaasha Qurbajoogta Soomaaliyeed
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ministry of Foreign Affairs of Somalia ayaa si guul leh u martigelisay Shirkii 4-aad ee Soo-Noqdayaasha Qurbajoogta Soomaaliyeed maanta oo ka dhacay #Muqdisho. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-xigeenka Isaak Mohamud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ah Hamza Adan Haadoow, kuwaas oo carrabka ku adkeeyay kaalinta…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Wadahadal khadka Taleefanka ah la Yeeshay Dhigiisa DRC
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa wada hadal wax ku ool ah khadka telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Thérèse Kayikwamba Wagner. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, kor u qaadista iskaashiga dhinacyo kala duwan, iyo…
-

Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya oo Maanta u tagaya Addis Ababa sii ambaqaadista Heshiiskii Ankara
Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Balcad, ayaa maanta gaaraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, si ay u sii ambaqaadaan heshiiskii Ankara ee dhexmaray madaxda labada dal. Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya. Dawladda Soomaaliya waxaa…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wada-hadallo Rasmi ah kula leh Dhiggiisa Masar magaalada Qaahira
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula leh dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati. Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga,…
-

Xoojinta Xiriirka Dhexmaraya Soomaaliya iyo Tansaaniya
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Ahmed Moallim Fiqi , oo ay weheliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Daud Aweis , iyo Danjiraha Soomaaliya ee Tansaaniya, Danjire Amb Ilyas Ali Hassan , ayaa si qiiro leh u sagootiyey wafdigii sharafta lahaa ee Tansaaniya ee soo booqday Soomaaliya. Wafdiga Tansaaniya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya,…