Category: Wararka Wasaaradda
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka teleefoonka ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Jabuuti
Muqdisho, April 01, 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa teleefoonka kula hadlay gelinkii dambe ee maanta oo ah Talaado, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, isaga oo u jeediyay hambalyo diirran oo ku…
-

Soomaaliya oo ka guddoontay Midowga Afrika gaadiid gaashaaman iyo agab milatari
Douala (MFA Somalia) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoontay Midowga Afrika shixnad milatari oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman, koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabadda karin, gaari ciidanka daabula, gaadiidka xambaara booyadaha shidaalka iyo biyaha, matoorro, shixnado dawo ah, iyo agab kale oo muhiim ah oo xoojinaya kaabayaasha amniga, kana qayb-qaadanaya…
-

Soomaaliya oo ka soo daadguraysay 145 qof oo muwadiniinteeda ah dalka Liibiya
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa ku guulaysatay inay ka soo daadgurayso 145 ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed dalka Liibiya, kadib markii caqabado kala duwan ay wajaheen, ayna iskood u doorteen in dib-u-celin lagu sameeyo, tani oo ka qayb ah ballanqaadka dowladda ee ilaalinta muwaadiniinteeda ku sugan dibadda iyo wax…
-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qabatay aqoon-is-weydaarsi hal cisho ah oo ku saabsan hab-maamulka xusuus-dhowrka
Muqdisho (MFA Somalia) – Waaxda Xusuus-dhowrka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo kaashanaysa Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, ayaa aqoon-is-weydaarsi hal cisho ah oo ku saabsan hab-maamulka arkiifiyada ugu qabatay xarunta Machadka howlwadeennada kala duwan ee Waaxda. Aqoon-is-weydaarsigani ayaa waxaa casharro ka jeediyay Nasrullaahi Maxamed Jaamac, oo soo bandhigay aragtiyo ku salaysan casriyaynta xusuus-dhowrka, isaga…
-

Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogga oo kulan lagu xoojinayo wadashaqaynta la yeeshay Guddoomiye kuxigeenka Bankiga IBS
Muqdisho (MFA Soamlia) – Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Dr. Maxamed Xuseen Gaas ayaa maanta kulan is-barasho iyo xoojinta xiriirka wadashaqaynta kula yeeshay Muqdisho Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame. Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay xoojinta wadashaqaynta iyo qabsoomida Shirwenaha Caalamiga ee Maalgaashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed.…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Dhiggiisa Seerbiya xoojinta xiriirka
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa wadahadal teleefoonka ah maanta oo Talaado ah la yeeshay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbiya, Marko Djuric. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal iyo sare u qaadidda iskaashiga labo geesoodka oo dhinac…
-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha adeegga cusub ee Dad-dhigidda
Muqdisho (MFA Somlia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), isaga oo kala hadlay daah-furidda adeegga cusub ee dad-dhigidda iyo siyaabaha lagu gaarsiin karo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda, iyada oo…
-

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo martigeliyay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka
Muqdisho (MFA Somalia) – Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa caawa fiidkii oo Axad ah dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay “muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya markale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay” ku qabtay Caasimadda Muqdisho. Dood cilmiyeedkan oo sidoo kale ahaa af-fur wadareed ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka…
-

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta
Muqdisho (MFA Somalia) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa fiidnimadii caawa oo Sabti ahayd ka jeediyay khudbad xaflad af-fur ah oo Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ay soo qaban-qaabisay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, isaga oo sheegay kaalinta wax ku oolka ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku…
-

Wasiir Fiqi oo sheegay in Soomaaliya ay xoojinayso iskaashiga kala dhexeeya dowladaha
Muqdisho (MFA Somalia)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa fiidnimadii caawa xaflad af-fur Ramadaani ah kaga qeybgalay Muqdisho oo uu ku casuumay Safiirka Turkiga, Alper Aktaş. Munasaabadda ayaa waxaa kale oo lagu casuumay, kana soo qeybgalay danjirayaasha iyo wakiillada laga aqoonsanyahay dalka. Munaasabadda af-furka, hadal uu ka jeediyay…